Booliska Gaalkacyo oo soo qabtay kooxo ka ganacsada maandooriye

Date:

Ciidamada booliska magaalada gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa  ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan kooxo muddooyinkii u dambeeyay ay ciidamadu ku raad jogeen, kuwaasi oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Saldhigga ciidanka Booliiska magaalada Gaalkacyo Dhame Cawil Nuur Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu baadi goobayay kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, waxaana uu intaa ku daray in ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan tiro ka mid ah kooxihi la baadi goobayay.

Taliyaha ayaa sheegey in howlgal ay sameeyeen ciidamada Boolisku ay baaritaano ku hayaan kooxahaasi, islamarkaana talaabo laga qaadi doono.

Ka ganacsiga Maandooriyaha ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanayay magaalada Gaalkacyo, waxana talaabadan ay qaadeen ciidamada Boolisku ay horseedeysaa in ay hoos u dhacaan falalka dhiiragelinaya dhibaatooyin ka dhex dhac bulshada dhexdeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...