Wasiirka Boostada oo kulamo kala duwan la qaatey Masuulinta dalka Jabuuti

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyada ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal.

Kulamadan ayaa waxaa si gooni ah looga wada hadlay arrimaha xiriirka Iskaashiga ee dhinaca hergelinta heshiiska Boostada Jabuuti “La Poste de Djibouti” iyo iskaashiga dhinaca horumarinta Isgaarsiinta, Sidoo kale Xubanaha wafdiga ayaa waxa ay kormeer ku tageen Xarumaha Shirkada Djibouti Telecom iyo shaldhiga xargaha fiber optic-ga dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada  iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti  Mudane Mudane Cabdi Youssouf Sougueh ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay wada yeeshaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti xiriir dhow ee dhinaca iskaashiga isgaarsiinta iyo Boostada.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashur Xasan ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga isaga oo sheegay in ay wax badan ka faa’iideysan doonaan khibradda dowladda Jabuuti

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...