Fartaag oo ku guuleystay kamid noqoshada Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal

Date:

Xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay doorashada xubintii banaaneyd ee Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal, kaddib markii uu xubintaas iska casilay Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Ilaa afar musharax oo kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Shukri Aadan, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, ayaa u tartamay kursigan, waxaana wareegga koowaad ku haray, mudanaayasha kala ah Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex iyo Saciido Xasan Cismaan, halka ay wareega labaad u soo gudbeen Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Shukri Aadan Maxamed.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursiga, kaasi oo helay codad dhan 24, halka Shukri Aadan ay heshay 22 cod.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...