Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Date:

Munaasabad lagu soo dhaweynayay wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu qabtay magaalada Capetown ee dalka C/Africa

Waxaa ka qeybgalay Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Africa Jamaal Barrow, Qunsulka Guud Maxamed Cali Mire jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Dadkii ka qeybgalay munaasabadaasi ayaa warbixino siiyay wefdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka, taasi oo ku aadan xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin, iyagoo dhanka kale madaxda weydiinayay sua’alo ku aadan waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Max’ed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaliyeed ee Koonfur Africa sida ay u soo dhaweeyeen, isagoo ku booriyay in ay muujiyaan degnaansho.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheeegy in dalka Soomaaliya uu ka jiro horumar ballaaran loona baahanyahay Soomaalida kunool dalkaasi iyo kuwa kaleba in ay ka qeyb qaataan horumarkaasi.

Wefdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi Koonfur Africa uga qeybgalay shirka guddoonada baarlamanada Qaaradda Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...