Mo Farah oo ku guuleystay Kaalinta Labaad ee Orodka 5,000M.

Date:

Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Britain, Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu hanto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha Atleetikada Aduunka ee ka soconaya Magaalada London.

Farah, wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad, kadib marki uu gaari waayey Muktar Edris oo ah orodyahan u dhashay dalka Ethiopia, kaasoo ku guuleystay billada dahabka, halka Mo Farah uu helay bilada qalinka.

Waa balladii ugu horreysay oo dahabi ah oo uu Mukhtar Edris oo ah 23 jir ku guuleysanayo abid.

Hadii uu Mohamed Farah badin lahaa waxay u ahaan laheyd markiisii shanaad oo xiriir ah oo uu ciyaaraha orodka tobanka kun iyo shanta kun ee mitir ku wada guuleysto hal tartan billada dahabka.

Todobaadki hore ayey aheyd marki uu qaaday billada dahabka ee orodka 10-ka kun ee mitir.

Waa marki labaad oo uu ku dhacay inuu qaado bilada dahbiga ah dhamaan tartamadi caalamiga ahaa ee uu ka qeybgalay Mo Farah tan iyo sanadki 2011-ki, Mudadaasi wuxuu urursaday 10 billadood oo dahab ah iyo laba billaad oo qalin ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...