Qof naftii halige ahaa iyo askari katirsanaa ilaalada xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday kadib markii nin isku soo xiray waxyabaha qarxa uu isku dayay in uu isku qarxiyo taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed..
Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan oo ah taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo lala beegsaday qaraxasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in uu bad qabo, balse waxaa halkaasi ku dhintay hal askari oo kamid ahaa ilaalo xabsiga Dhexe.
Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa SONNA u sheegey in uu halkasi ku shahiiday askari katirsan ciidamada Amniga oo ka hortagay dhagar qabahaasi in uu hadafkiisa gaaro.
Falkaasi is qarxinta ahaa ayaa ka dhacay banaanka Masjid ku yaala Xabdiga Dhexe ee Xamar, saraakiisha hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan falkaasi.
Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobtaasi ka wada howlo baaritaano ah waxaana halkaasi gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil kale.