Guddiga Wacyi-gelinta iyo Taakuleynta Ciidamada oo Bilaabay Qorsheynta Hawlahooda

Date:

Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa kulankii ugu horreeyey ku yeeshay magaalada Muqdisho tan iyo markii la magacaabay.

Xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay hannaanka wada shaqeynta xubnaha guddiga, gaar ahaan xubnaha ku sugan goballada iyo dalka dibaddiisa, mideynta dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulanka ka dib la dar-daarmay xubnaha guddiga ayaa u sheegay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan xubnaha guddigan ay furo u noqonayso ka mira-dhalinta ujeedka loo asaasay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Muhiimadda ugu weyn ee guddigan waa sida aan u dareensiin lahayn ciidamadeenna in aynu garab taagannahay, sidoo kalena aan shacabkeenna ku wacyi gelinno in dhibaatada gaarta qofka ciidanka ah ay u gaartay difaaca dalkiisa.”

Xubanaha guddiga Taakuleynta iyo Wacyi-gelinta ciidamada Qalabka Sida ee ka qayb galay shirka ayaa sheegay in muddo kooban ay kusoo dhamaystiraayaan dhammaan qorshayaasha la xiriira howl-gelinta guddiga.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...