Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliyeed Mudane Cabdulaahi Cali Samnbaloosheย ayaa wada hadallo la xiriira sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee dhinacyada badan khuseeya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka kowaad, ahnaย R/wasaaraha dallkaasi Bakri Xasan Saalah.
Siday soo warisay Wakaalada Wararka ee Suudaan ,Taliyaha oo haatan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Sudan ee Khartum, waxay wada hadaladaasi ay labada dhinac ay diirada saareen ย iskaashiga Caasimadahaย labada dal Muqdisho iyo Khartum sidii ay u kala faaideysan lahaayeen dhinaca waaya aragnimada.
Kulankaasi dhex maray labada dhinac, waxa u ย Madaxweyne ku xigeenka Suudaan BakriXasan Saalah uu ka sheegay inuu dalkiisu taageeri doono dadaalka ay Dowladda Soomaaliya uga jirto sugida amaanka dalka,iyadoo Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Soomaaliyeedย Mudane Cabdulaahi Cali Samnbaloosheย uu isnaย sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay ka faaideysiga khibrada Dowladda Suudaan iyo horumaarka kale ee ay ka gaartay dhanka nabadgelyada.