Wasaaradda Dastuurka oo kulan ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka ku qabatay Muqdisho

Date:

Wasaaradda Dastuurka ayaa kulan ku saabsan dib u eegista Dastuurka u qabatay xubno ka socday maamulgoboleedyada iyo qeybaha bulshada.

kulankan oo socday muddo Afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray habka bulshada Soomaaliyeed lagu fahamsiin karo ahmiyadda Dastuurka si aragtiyo ay ugu yeeshaan dib u eegista Dastuurka Federaalka ah oo ay ku howlantahay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Xubnaha kala matalayey dowlad goboleedyada dalka iyo Bulshada Rayidka ah ayaa wasaaradda Arrimaha dastuurka la wadaagay talooyin sahlaya in si fudud bulshada lagu gaarsiiyo Dastuurka, iyada oo arintaasi ay ka wada qeyb galayaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida uu sheegay Agaasimaha wasaaradda Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Dhinacyada ka qeyb galay kulankaasi ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in laga qeybgeliyo la tashiyada ku saabsan dib u eegista Dastuurka Talooyinkoodana la dhageysto, si guul loo gaarana iyana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in wadatashiyadani ay sahli kartaan ka gun gaaridda dadaalada iminka socda ee bulshada lagu gaarsiinayo Dastuurka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...