Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya oo olole cusub ku dhawaaqday “DAAWO”

Date:

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole cusub, iyadoo ay isu diyaarineyso munaasabadda Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo beegan 12 bishan August.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa iclaamisay olole loogu magac daray “WEYDII SAAXIBKAA”, kaasoo loogu horumarinayo wada shaqeynta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ku soo fool leedahay maalinta dhalinyarada Adduunka oo ay xustay inay tahay maalin mudnaan gooni leh, kuna weyn dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Adduunka.

“Weydii saaxibkaa waa olole loogu talagalay in lagu hormariyo wadashaqeynta Dhallinyarada Soomaalyeed iyo Dowladda JFS uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) laguna xusayo Maalinta Dhallinyarada Adduunka, kaasoo ogolaanayo in la maqlo niyada iyo rajada dhalinyarada eey ka leeyihiiin horumarinta dawladnimo, kahortagga qabyaalada iyo xasilinta amniga”ayay tiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Mar ay sharxeysay qaabka uu u dhacayo barnaamijka weydii saaxibkaa ayaa xustay inuu yahay nidaam shaqsi walba oo dhalinyaro uu weydiinayo saaxibkiisa su’aalahan.

Sidee Dhallinyarada Soomaaliyeed Ugu Qeyb Qaadan Kartaa:

  1. Horumarka Dowladnimo
  2. Ka Hortagga Qabyaalada
  3. Xasilinta Amniga.

Wasiir Khadiijo ayaa tilmaamtay in ololaha uu bilowday maanta oo bishu tahay 8 Augusto, isla markaana socon doono illaa 31 Augusto sanadkan, waxaana ololahan uu ka dhici doonaan Soomaaliya oo dhan, iyadoo ay ka qeyb qaadan doonaan dhalinyarada qurbaha ku nool.

“Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga waxay ku howlan tahay horumarinta Dhalinyarada Soomaaliya, Si dhallinyaradeenu u helaan Qorshaha lagu hormarinaayo mustaqbalkooda oo ay diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Mudane Xasan Cali Kheyre”ayay tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ugu dambeyn Wasiirada ayaa soo bandhigtay cinwaan loogu soo gudbin karo fariimaha la xiriira ololaha Weydiid Saaxibkaa, waxaana uu yahay sidan [email protected]   iyo [email protected]


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...