Ciidamadda Xoogga Dalka oo qabsaday deegaanno istaariiji ah

Date:

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maleeshiyada Al-shabaab kala wareegay deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaala gobolka Shabeelaha dhexe, kaddib howlgalo maalmihii u dambeeyay halkaas ay ka wadeen ciidamada.

Abaanduulaha ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo hoggaaminaya howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegay in deegaanada ay ciidanku qabsadeen ay kamid tahay tuulada Cali Fool-dheere oo ka tirsan Degmada Mahadaay ee gobolkaas, isagoo intaa ku daray in dhul baaxadiisu dhan tahay 100km ay ciidanku ka saareen Al-Shabaab, haatanna ay ka socoto howlgallo lagu nadiifinayo haraadiga waxyaabaha qarxa ee ay halkaasi uga carareen.

“Meelaha howlgaladaasi an kaga qabsanay Al-Shabaab waxaa kamid ah Cali-Fooldheere,Warciise, ilaa deegaanada ku xeeran Webiga Jiinkiisa, waa dhul musaafo ahaan gaaraya ilaa 100 KM, waana sii wadi doonaa howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabaad diidka ah”, Ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sheegay in deegaanada laga saaray Al-shabaab ay yihiin kuwo muhiim ah, maadaama Al-shabaab dhaqaale aad u badan ka heli jireen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...