Ciidamadda Xoogga Dalka oo qabsaday deegaanno istaariiji ah

Date:

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maleeshiyada Al-shabaab kala wareegay deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaala gobolka Shabeelaha dhexe, kaddib howlgalo maalmihii u dambeeyay halkaas ay ka wadeen ciidamada.

Abaanduulaha ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo hoggaaminaya howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegay in deegaanada ay ciidanku qabsadeen ay kamid tahay tuulada Cali Fool-dheere oo ka tirsan Degmada Mahadaay ee gobolkaas, isagoo intaa ku daray in dhul baaxadiisu dhan tahay 100km ay ciidanku ka saareen Al-Shabaab, haatanna ay ka socoto howlgallo lagu nadiifinayo haraadiga waxyaabaha qarxa ee ay halkaasi uga carareen.

“Meelaha howlgaladaasi an kaga qabsanay Al-Shabaab waxaa kamid ah Cali-Fooldheere,Warciise, ilaa deegaanada ku xeeran Webiga Jiinkiisa, waa dhul musaafo ahaan gaaraya ilaa 100 KM, waana sii wadi doonaa howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabaad diidka ah”, Ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sheegay in deegaanada laga saaray Al-shabaab ay yihiin kuwo muhiim ah, maadaama Al-shabaab dhaqaale aad u badan ka heli jireen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...