Natiijo hor dhac ah oo ka soo baxaysa doorashada Kenya

Date:

Iyadoo warar hor dhac ah ay sheegayaan in natiijooyinka codadkii la tirayay uu ku horeeyo Uhuuru Kenyatta ayaa Raila Odinga  oo ah Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya waxaa uu ka soo horjeestay natiijadaasi isagoo ku tilmaamay in mid aan la aqbali karin.

Dadka saadaaliya siyaasadda dalka Kenya ayaa sheegaya in aanu muuqan wax isdaba marin ah oo ku aadan qaabka ay u dhacday doorashada, taasi oo Mr Raila Odinga uu sheegayo in uu jiro ku shubasho.

Guddiga doorashada waxaa uu  sheegay in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka, balse aysan iminka ku dhawaaqi doonin natiijada saxda ah.

Sida ay muujinayaan tirooyinka ka soo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey, waxayna labada musharax ee ugu horeeya kala heleen, Uhuru oo heysta 54.6% boqolkiiba halka Odinga uu heysto 44.5%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowr sugaan natiijada kama dambeysta, waxaana weli guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya ilaa iyo sideed musharax, waxaase ugu cad cad Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanaya ee Uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Oding

Diblomaasiyiin iyo kormeerayaal caalami ah ayaa ku sugan dalka Kenya, aygoo u kuurgalaya habka doorashadaasi u socoto si aanay u dhici wax is daba marin.

Afhayeen u hadlay dowlada Kenya ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada, waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo sheegay in uu aqbali doono natiijada, kuwa ay is hayaanna wuxuu ugu baaqay in ay sidaas oo kale sameeyaan. wuxuu sheegay in Kenyanku ay horay u socdaan iyaga oo hal dal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...