Wasaaradda Haweenka oo tababbar u soo xirtay shaqaale ka tirsan Wasaaradaha dowladda

Date:

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababbar u  soo xirtay qaar ka mid ah shaqaalaah Wasaaradda iyo xubno kale oo ka kala socday Wasaaradaha dowladda.

Tababbarkan ayaa ujeedkiisu ahaa awoodsiinta habka diyaarinta heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta, iyadoo ay bixinayeen dad aqoon u leh howshaasi, waxaana munaasabaddii xiritaanka ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan iyo marti sharaf lagu casuumay.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha tababbarka ayaa ku booriyay Wasaaradda inay dhimeystirto heshiiskasi,  kuwaasi oo xusay in axdigan uu yahay mid caalami ah, isla markaana ay Wasaaradda looga baahanyahay inay dhaqan geliso, maadaama uu xoogga saarayo dhowridda xaquuqda carruurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Deeq Suleymaan Yuusuf ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha looga baahanyahay sidii ay u diyaarin lahaayeen waajibaadka ka saaran Axdiga xaquuqda carruurta.

“Ujeedka siminaarka waxa uu ahaa sidii loo badbaadin lahaa, loona heli lahaa xaquuqda carruurta, waxaan rabnaa inaan isla eegno saameynta ay nagu yeelan doonto heshiiskasi ay Soomaaliya saxiixday” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu horumarinayo dhameystirka heshiisyada horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...