Dowladda Maraykanka oo qabtay afar qof oo qoraallo sir ah faafiyey

Date:

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka ayaa sheegay in afar qof lagu soo eedeeyey in ay qoraallo sir ah faafiyeen, iyadoo maamulka Trump bilaabay olole waji gabax ka muuqdo oo dadka qoraalladaa faafiyey lagu soo qabqabanayo.

Jeff Sessions wuxuu sheegay in dadka la soo qabtay lagu tuhunsanyahay in ay qoraallo sir ah faafiyeen iyo in ay magac dhabeen saraakiil sirdoon ah oo si qarsoodi ah u shaqaynayey.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanku wuxu sheegay in maamulka dalku ilaa bishii Jeeniweri saddex laabay baadhitaanka lagu hayo qoraalladaa sirta ah ee la faafiyey.

Madaxweyne Trump ayaa mar hore oo uu ka hadlayey arrintan dhaliilay Sessions kuna tilmaamay “qof aad u jilicsan”.

Xeer ilaaliyaha guud oo shir jaraa’id ka hadlay aya sheegay in aan dawladina si habsami ah u shaqayn karin hadii hogaamiyeyaasheedu aanay si xor ah oo kalsooni leh ula hadli karin hogaamiyeyaasha dalalka kale.

“Waxaan arintaa ku raacsanahay madaxweynaha si adagna waan u dhaleecaynayaa tiradan sii kordhaysa ee qoraallada sirta ah ee lafaafiyey ah, waana mid wiiqaysa kartida dawladeena ee ilaalinta dalkan” ayuu Sessions warfidiyeenka ku yiri.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...