Golaha Ammaanka oo cambaareeyey weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Askar katirsan Amisom

Date:

Shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Amaanka ee Jimciyadada Qurumaha ka dhexeysa  ayaa si kulul u cambaareeyeey  weerarkii Maleeshiyada argagixisada  Al-Shabab ay ku qaadeen ciidamada Amisom  ee dhawaan ka dhacay deegaanka Golweyn ee ku dhow Buula-Mareer Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska Amisom ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay kaga dhinteen 12 askari ayna kaga dhaawacmeen 7 kale kadib markii weerar Naflacaarinimo oo gaadmo ah ay ku qaadeen kooxaha argagixisada Alshabaab.

War qoraal ah oo ay soo saareen Golaha Amaanka  ee QM ayaa uga  ka  tacsiyeeyey  qoysaska askarti geeriyootay, ayagoo inta dhaawacantayna u rajeeyay soo ka basho.

Goluhu waxa uu sheegay in argagixisadu waji kasta oo ay leedahay ay tahay halista ugu weyn ee heysata Ammaanka Dunida, waxeyna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in kuwa dambiyada galaa, kuwa abaabula iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiyaaba la horgeeyo cadaaladda.

Golaha amaanka  waxay ku ceceliyeen sida ay uga go’antahay taageerista Nabadda xasiloonida, iyo Horumarinta Soomaaliya.

Waxeyna sheegeen in weerar argagixiso oo kuwo arxan daran ay geystaan in aanu wiiqi doonin ka go’naanshahooda taageeridda Soomaaliya .

Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa ka taageerta Soomaaliya, dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...