Wasiirka Tacliinta Sare oo la kulmay Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan

Date:

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cusmaan  oo ay wehlinayaan Lataliyaha Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abuukar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo ku-xigeenka Gudiga hormarinta  adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Suudaaan, waxaane goobjoog ka ahaa kulanka Gudoomiyaha Jaamacadda Afrika Prof: Kamaal Cubayd, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan Mudane Maxamed Cabdulaahi Ugaas, Diblomaasiin ka tirsan Safaaradda, Jaaliyada, Salaadiin iyo Marti sharaf kale.

Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo iyadane goobta hadalo ka jeedisay ayaa Ardayda uga sheekeeysay xaalka Dalka uu marayo iyo qaabka xiligan fursado u heli karaan dhamaan Ardayda waxbaratay iyo horumarka la gaaray ee xiligan dowladooda ku tilaabsatay, iyadoone Ardayda usheegtay inay yahiin dadkii badali lahaa Dalka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ardyda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadan ay yihiin Imamyada Masjidka Jaamacad maadaama buu yiri ay yihiin kuwo Xifdisan Qur,aanka Kariimka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qudbad qiima badan ujeediyay boqolaal ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ayaa aad ugu mahadceliyay Dowladda Suudaan sida ay u garab istaageen Shacabka Soomaaliyeed  mudadii ay Burbursaneed Soomaaliya kana taageertay dhanka Waxbarashda, asigoone dhanka kale Ardayda kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo ayaa maalmahan ku jira buuqasho shaqo oo ay ku joogaan dalka Suudaan halkaas oo madax dhanka waxbarashada Suudaan ah kula kulmeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawir-qaade Maxamed Isxaaq (Canjeex)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...