Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Latiyaasha Gaarka ah ee Madaxwaynaha

Date:

Muqdisho, 03 Ogosto 2017; Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga dalka, Doorashiiyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo lataliyaha sare ee Arrimaha Siyaasaddas.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimmo, iyo qaybaha kale ee bulshada.
Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiye-ha Guddiga, Halka Shiikh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye kuxigeen.

Xubnaha kale ee Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada uu Magacaabay Madaxwaynuhu ayaa kala ah:
1. Jen.Cabdulqaadir Cali Diini

2. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )
3. Prof. Muuse Aadan
4. Maxamed Yuusuf jaamac ( Tigay )
5. Shukri Maxamed Afrax
6. Shiikh Abuukar Bashiir Shiikh Cabdullaahi
7. Shiikh Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )
8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh
9. Caasha Abuukar Qaasim
10. Abuukar Shiikh Cismaan
11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow
12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan
13. Feysal Weheliye Macalin Cumar

Dhanka kale, Madaxyne Farmaajo ayaa u magacaabay S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac in uu noqdo la-taliyaha Madaxwaynaha JFS ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay xilka la-taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed C/risaaq.

Wareegto kale oo ka soo baxday Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku magacaabay Lataliyaha dhanka Amniga Qaranka oo loo magacabaay S/Guuto Axmed Shiikh Maxamed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii Arbacada ahayd ee la soo dhaafay u magacaabay Mudane Maxamuud Axmed Nuur ( Tarsan ) xilka Lataliyaha sare ee Arrimaha Siyaasadda.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...