Guddoonka Golaha Shacabka oo Shaaciyey In la Fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Inta Doodu Socoto

Date:

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in la fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya bilaha July iyo August inta ay socoto Dooda Miisaaniyadda guud ee Dowladda 2017.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in go’aankani uu gaaray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 01 August 2017 sababta go’aankaas loo qaatayna ay tahay inaanay marna hakan xuquuqda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya hadii ay ahaan laheyd raashiinkooda,adeegooda iyo mushaaraadkooda.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,Wasiirka Maalliyadda iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa la faray iney fuliyaan go’aankaas oo ah go’aan kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maadaama aanay ciidammadu sugi karin inta ay soconeyso Dooda Golaha Shacabku ka doodayo Miisaaniyadda Qaranka ee 2017.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...