Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay K/Africa iyo boolisku Koofur Afrika oo baarayo

Date:

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in 48kii  saacadood ee ugu dambeeyey dalkaasi lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ganacsato ahaa, iyadoo ay Boolisku baarayaan meydadkaasi.

Dadka la dilay oo tiradoodu gaarayso 3 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku ganacsanayay Magaalada Limbobo ee dalkaasi K/Africa, waxaan dilkooda xaqiijiyay Cumar  Maxuud Cumar Kiyo oo ku sugan dalkaasi, isagoo intaasi ku daray in Kooxo burcad K/Africaan ah ay Dadkaasi dukaamadooda dhexdfooda ku gubeen.

“Dhallinyaradii la dilay Waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Cali C/llahi  Caymow iyo  Cali Maxmuud,dukaamadooda ayaa loogu tagay, laguna gubey, meydadkooda hadda waxaa gacanta ku haya booliska oo sheegaya in ay baarayaan, balse ilaa iyo hadda wax jawaab rasi ah lagama hayo”, Ayuu Yiri Cumar Kiyow.

Dalka Koonfur Africa ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhan ah dadka ajaanibta ah ee ku nool dalkaasi oo ay Soomaalidu ku jirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...