Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay K/Africa iyo boolisku Koofur Afrika oo baarayo

Date:

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in 48kii  saacadood ee ugu dambeeyey dalkaasi lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ganacsato ahaa, iyadoo ay Boolisku baarayaan meydadkaasi.

Dadka la dilay oo tiradoodu gaarayso 3 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku ganacsanayay Magaalada Limbobo ee dalkaasi K/Africa, waxaan dilkooda xaqiijiyay Cumar  Maxuud Cumar Kiyo oo ku sugan dalkaasi, isagoo intaasi ku daray in Kooxo burcad K/Africaan ah ay Dadkaasi dukaamadooda dhexdfooda ku gubeen.

“Dhallinyaradii la dilay Waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Cali C/llahi  Caymow iyo  Cali Maxmuud,dukaamadooda ayaa loogu tagay, laguna gubey, meydadkooda hadda waxaa gacanta ku haya booliska oo sheegaya in ay baarayaan, balse ilaa iyo hadda wax jawaab rasi ah lagama hayo”, Ayuu Yiri Cumar Kiyow.

Dalka Koonfur Africa ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhan ah dadka ajaanibta ah ee ku nool dalkaasi oo ay Soomaalidu ku jirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...