Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Ciidamo loo diyaarinayo Hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xeradii hore ee Ciidamada Cirka ee ma dhamaato halkaas oo maalmahan uu tababbar uga socday Ciidamo ka tirsan Darawiishta Jubbaland, isla markana loo soo gabagabeeyay ayna ku jiraan u diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ay ugu dhaqaaqi lahayeen hawlgallada ay Al-Shabaab kaga xoraynayaan Gobolka Jubbada dhexe iyo qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Askarta ku amaanay sida ay ugu dulqaadanayaan duruufta adag ee wadanka ka jirta, isagoo sheegay in aan waxba laga hagran doonin, isla markana ay Dowladdu dhabarka isaga jabin doonto sidii ay xuquuqdooda mar walba u heli lahayeen.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in daacadnimo looga baahan yahay, isla markana ay masuuliyad adag saaran tahay, Ciidamadan oo looga fadhiyo in ay deegaanka ka xoreeyaan koox uu sheegay in ay marayso marxalad burbur iyo kala yaac ah oo u baahan kaliyah in la is raaciyo.

“Haddii aad idinku daacad u noqotaan Dalkiina oo aad u dhabar adaygtaan dagaalka aan cadawga kula jirno waxaa dhab ah in aan ka maarmayno Ajinabi iyo Ciidan shisheeye” ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in Dowladdu ay bil walba diyaar la tahay mushaarka iyo gunooyinka Ciidanka, si taas lamid ahna looga baahan yahay in waajibaadka saaran ay kasoo baxaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...