Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada hoose

Date:

Sargaal ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa lagu dilay deegaanka kuunyo barow ee Gobolka shabeellada hoose waxaana jira Maxaabiis laga sii daayay deegaankaasi.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Xaruunta Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Aadan madoobe oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn Diyaarado dagaal ka fuliyeen Gobolka Shabeellada hoose gaar ahaan deegaanka Kunyo Barrow lagu dilay Sargaal sare oo Magaciisa lagu soo gaabshay dheere oo ka mid ahaa Hor-joogayaasha kooxdaas ee Buuraleyda Gal-gala.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya duqaymo ay iska kaashanayeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda argagixisada ah ee A-lshabaab.

Xigasho SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...