Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in garoonka Muqdisho uu sirasmi ah u shaqeynayo Habeenkii

Date:

Wasiirka  Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  Xukuumadda Soomaaliya oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka Wasaaradda iyo Maareeyaha  Hawada Soomaaliya iyo Maareeyaha Guud  ee maamulka iyo nabad galyada garoonka, ayaa maanta sheegey in howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan uu yahay mid si toos ah  u shaqeynayo  laga bilaabo 12 aroornimo  ilaa iyo  4 saac habeenimo (06:00am—–10:00pm) si bulshadu ay u helaan adeegyo duulimaad xiliyada habeenkii ah.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulle Salaad oo madasha  ka hadlay, ayaa sheegey  in ahmiyada ugu weyn ay tahay in  garoonka uu waqtiga  habeenkii ay diyaaraduhu ku soo degi karaan islamarkaana ay ka duuli karaan. 

“Ahmiyadda aan maanta halkan u joogno ayaa ah in aan idin la socod siino, sida aad ogtihiin run-wayga  waxaan u sameynay lights, waxyaabihii dhan waan sameeynay, laakiise diyaaradaha caalamiga ah ma ogaan Karin arintaasi, laga bilaabo manta waxaan ogeysiinaynaa shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah in garoonak uu shaqeynayo 6:00 in the morning ilaa 10:00 habeenimo”,Ayuu yiri wasiirka Gaadiidak Cirka iyo Dhulka Dowladda Soomaaliya”.

Dhawaan ayey aheyd marki Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kaheyre uu furay mashruuc dib loogu howlgelinayay duulimaadyada Garoonka Aadan Caddae oo adeegyadiisa Habeenkii ay meesha ka maqnaayeen muddo ka badan 25 sano.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...