Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

Date:

Dhageysiga qorshaha xukuumadda ee ku saabsan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka ayuu ahaa ajendaha kalfadhiga labaad kulankiisa lixaad ee mudaniyaasha golaha shacabka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka shir gudoominayay ayaa kulanka furay wuxuuna ka hadlay muhiimada uu leeyahay dhisida golaha adeega garsoorka iyo sida lagu heli karo garsoor hufan oo uu dalka yeesho.

Wasiirka Cadaaladda ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa mudaniyaasha golaha shacabka ka hor akhriyay halka uu marayo qorshahalagu  dhisayo golaha adeega garsoorka.

Qaar ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay dhismaha golaha iyo hadii ay jirto muddo u qorsheysan in golahan lagu dhiso.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in loo baahan yahy in guddiga golaha shacabka iyo guddoonka golaha iyo Wasaaradda  ay ka shaqeeyaan dhismaha guddi loo xil saaro sidii dalka uu u heli lahaa guddiga adeega garsoorka.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dhismaha golaha adeega garsoorka ay iska kaashan doonaan golaha Shacabka iyo Wasaaradda Cadaaladda ,islamarkaana loo baahan yahay in guddiga la dhisayo uu noqdo mid mas’uuliyad garsoor qaadi kara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...