Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

Date:

Dhageysiga qorshaha xukuumadda ee ku saabsan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka ayuu ahaa ajendaha kalfadhiga labaad kulankiisa lixaad ee mudaniyaasha golaha shacabka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka shir gudoominayay ayaa kulanka furay wuxuuna ka hadlay muhiimada uu leeyahay dhisida golaha adeega garsoorka iyo sida lagu heli karo garsoor hufan oo uu dalka yeesho.

Wasiirka Cadaaladda ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa mudaniyaasha golaha shacabka ka hor akhriyay halka uu marayo qorshahalagu  dhisayo golaha adeega garsoorka.

Qaar ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay dhismaha golaha iyo hadii ay jirto muddo u qorsheysan in golahan lagu dhiso.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in loo baahan yahy in guddiga golaha shacabka iyo guddoonka golaha iyo Wasaaradda  ay ka shaqeeyaan dhismaha guddi loo xil saaro sidii dalka uu u heli lahaa guddiga adeega garsoorka.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dhismaha golaha adeega garsoorka ay iska kaashan doonaan golaha Shacabka iyo Wasaaradda Cadaaladda ,islamarkaana loo baahan yahay in guddiga la dhisayo uu noqdo mid mas’uuliyad garsoor qaadi kara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...