Jubbaland oo u digtay Shacabka dhaqaalaha ku taageera Maleeshiyaadka Al-Shabaab (Daawo Muuqaal)

Date:

Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shacab fara badan kula hadlaayay magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay yihiin dad u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

C/rashiid Janan, ayaa wuxuu sheegay Shabaab inay adeegsadaan dhaqaalaha ay ka qaataan shacabka Gedo, wuxuuna tilmaamay dhaqaalahaasi inay yihiin kuwa ay  ku iibsadaan saanadaha Militari ee Gobolka ay uga dagaalamaan.

Waxaa uu dadka Shacabka ah uga digay in ay Al-Shabaab lacag ama taageero kale ay siiyaan.

Jubbaland ayuu sheeg in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto cidii lagu tuhmo in ay Al-Shabaab taageerto.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Shabaab ayaa dadka shacabka ah waxa ay ka qaadaan lacago ay ku sheegaan inay yihiin Zkawaad, iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya dadka ganacstadaha ah uga digtay inay bixiyaan dhaqalo Shabaab lagu taageeraayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii...

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere...