Wasiirka Cadaaladda oo hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Date:

Xildhibaananda Golaha Shacabka ayaa maanta kulankooda caadi ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadli doonaan arrimo kala duwan.

Kulanka looga hadlaya qorshaha Xukuumadda ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada hortagaya oo Su’aalo laga weydiinaya dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, si uu sharaxaad buuxa uga bixiyo hindishe sharciyeedkan ku aadan Golaha Adeegga Garsoorka.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa Xildhibaanada qaarkood waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in Wasiirka Cadaaladda uu Baarlamaanka hor yimaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...