Guddoomiyaha Bankiga Dhexe : Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada waa in ay wax ka qabtaan lacagaha been abuurka ah

Date:

Kadib shir jaraa’d uu maanta ku qabtay xafiiskiisa,Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhashey lacago been abuur ah oo la soo geliyay qaar kamid ah suuqyada dalka.

Wuxuu ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada in ay ku dadaalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen lacagaasi oo been abuurka ah.

“Waxaa jira lacago been abuur ah oo dhawaan la soo geliyay suuqyada magaalooyinka dalka, lacagtaasi saameyn ayay ku yeelatay nolosha bulshada, marka waxaan  ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada in ay wax ka qabtaan lacagasi”, Ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa dhanka kale sheegey in uu socdo qorshe ku aadan sidii lacago cusub oo shillin Soomaali ah loo soo daabici lahaa si looga gudbo dhibaatooyinka ka taagan dhanka lacagaha shillionka ah.

Hadalka ka soo baxay guddoomiyaha ayaa imaanaya xili muddooyinkii ugu dambeeyey suuqyada qaar kamid ah magaalooyinka gobolada dalka lagu arkayay lacago been abuur ah kuwaasi oo saameeyey nolosha bulshada.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatooyinkaasi ay ka tagnaayeen ayadoo maamulka iyo ganacsatadu ay ka shireen sidii xal looga gaari lahaa arrintaasi, oo saameyn xoogan ay ku yeelatay nolosha dadka.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...