Guddoomiye ku-xigeenka 1aaad ee golaha shacabka oo daah furay xarunta Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

Date:

Daah furka xarunta Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya, xubno ka socday Guddiga Qaran ee shaqaalaha Rayidka iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Hakish iyo TIKA oo gacan ka geystay dhismaha xaruntan.

Guddoomiyaha Xiriirka Guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa tilmaamay in xaruntan ahmiyad gaar ah u leedahay guud ahaa shaqaalaha Soomaaliyeed, in la hirgaliyana ay tahay talaabo wanaagsan.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha dalka Turkiga ee kaalinta ku lahaa dhismaha xarunta Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku booriyey Madaxda xiriirka iney ka shaqeeyaan isku xirka guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed, si loo abuuro fursado shaqo oo dhallinyaradu ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xaruntan ay kaalin ka qaadaneyso in la helo shaqaale tababbaran, dowladuna ay ka shaqeneyso in la sameeyo qorshe shaqo abuur ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Cabdiwweli Sheakh Ibraahim Muudey ayaa u mahad celiyey hay’daha dalka Turkiga ee gacanta ka geystay hirgelinta xarunta xiriirka guud ee shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Madaxda Xiriirka guud ee shaqaalaha ku booriyay inay u adeegaan bulshadooda oo ay gacan ka geystaan sidii shaqaalaha loo tayayn lahaa xagga aqoontooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...