Qunsuliyadda guud ee Cadan oo faahfaahisay tirada Qaxootiga Soomaalida ee dib loo soo celiyay

Date:

Qunsuliyadda Guud Ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan ayaa soo bandhigtay tira koobka qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu guuleystay in laga soo daadgureeyo dalka yemen oo Colaad Sokeeye ay ku qabsatay dalka Yeman.

Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani Qunsuliyadda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ayaa sheegtay in tirakoobkaan uu yahay dadkii qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo daadgureynta dalka Yeman intii dhexeysay bishii October 2016 illaa bishaan aan ku jirno ee Julay 2017.

Amb Suudaani wuxuu sheegay in wadarta guud tirade qaxootiga ee yaman laga soo daadgureeyay ay gaareyso 1243 qof oo isugu jira Qaxooti,Arday, dad xanuunsan iyo qoysas si iskood ah ugu noolaa dalka Yeman.

Kumannaa Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay colaaddii sokeeye ee sanadku markuu ahaa ahaa 1991 ka qaraxday dalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalooyinka waaweyne ee dalka Yeman, halkaas oo ay qarkood ka bixlaabeen in ay abuurtaan nolol cusub hase yeeshee waxaa mar qura isbadashay xaaladda kadib markii dalkaasi mar qura uu ka qarxay dagaal sokeeye oo ay horkacayeen kooxda Xuutiyiinta oo gacan ka helayay maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax.

Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ayaa markiiba billaawday dadaal dheeraad ah oo ay kaga jawaabeyso baahida qaxootiga Soomaaliyeed oo ka baxsanayay Duqeynta iyo dagaalada foolkafoolka ee ugu dambeyn sababay in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay la wareegaan magaalada Sanca Ee Caasimadda Dalka Yeman.

“Markuu ay Xaaladdu dhinac walba ka cakirantay waxaan qaadanay go’aan ah in aan soo daadgureysno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan u dhaaranay, majirin wax dhaqaale ah oo aan ka qaadeynay dadka qaxootiga ee dib aan ugu soo celinay dalkooda hooey, sidoo kale majirin cid cawimaad nagu siisay soo daadgereyntooda, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo marwalba nagu dhiirrigalinayay dadaalka joogtada ah ee aan mudadaas wadnay illaa hadana aan wadno”ayuu hadalkiisa raaciyay mudane Axmed Suudaani Qunsulka Guud ee Magaalada Cadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan...

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya...

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....