Danjiraha Britain ee Soomaaliya oo booqday xarunta dhaqanka ee Harggeysa oo lagu qabtay Bandhiga caalamiga ah ee buugaagta

Date:

Danjiraha Ingiriiska David Concar oo galabta ka hadlay xarunta dhaqanka ee Harggeysa International Book fair, xaflad loogu dabaal dagayo dhaqanka Soomaalida, hidaha iyo fikradaha,Danjire Concar ayaa sheegay in UK ay tahay deeq bixiyaha ugu weyn ee caalamiga ah ee Somaliland,  waxaana taageerada soo jireenka ah ee UK siiso  Somaliland abuuray qurbojoogta iyo xidhiidhka taariikhiga ah.

Danjire Concar sidoo kale wuxuu iftiimiyey in fursadda doorashada November ee madaxweynaha ay ka dhigantahay in ay Somaliland dib u xaqiijiso ‘sumcadeedii dhinaca dimuquraadiyada’ iyadoo ku qabanaysa wakhtigii loo qoondeeyey si cadaalad ah, loo dhanyahay, taasoo keenaysa in natiijada doorashada ay aqbalaan dadka reer Somaliland.

Waxa uu sheegay in saxafiyiintu ay ka ciyaareen door muhiim ah dimuquraadiyad kasta, dhiirigaliyeenna dood siyaasadeed iyo ixtiraamka xoriyadda warbaahinta.

Danjiruhu Wuxuu walaac ka muujiyey abaaraha mandaqadda.

“ Waa xaq” ayuu yirii in la xasuusto abaarta daran ee joogtada ah ee ku abuurtay dhibaatada dadka reer Somaliland. Si loo caawiyo dadka ay abaartu Saamaynta xoogan ku yeelatay, UK waxay kordhisay gargaarka degdega ah in ka badan $200 m.

Taageeradan ayaa illaa hadda waxa wax ka tartay helitaanka biyo nadiifa iyo cunto illaa 1 milyan oo qof, iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah Inka badan nus malyuun qof, oo ay ku jiraan tobanaan kun oo reer Somaliland ah. ‘Wakhti dhawna waxaan soo arki doonaa waxqabadkan’.

Danjiruhu waxa kale oo uu  la kulmay wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sa’ad shire’ Inta uu booqashadiisa ku guda jiro Danjiruhu waxa kale oo uu la kulmi doonaa madaxweyne, Axmed Mohamed Silanyo,  Musharaxiinta xisbiyada siyaasadda iyo aqoonyahanadii ka qalin jabiyey barnaamujka deeqda waxbarasho ee ay UK bixiso (Chevening Scholarship Program).

Britain  waxay taageeraysay diyaargarawga dhinaca farsamada ee doorashooyinka Somaliland, oo ay ku jiraan, dhamaystirka geedi socod loo dhanyahay ee diwaangalinta codbixiyayaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waajid

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...