Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Sanaag

Date:

Dagaalkan oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed ayaa dib uga soo cusboonaday degmada Ceel-Afweyne ee gobolka Sanaag kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Lix qof ayaa ku geeriyootay  18-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo shalay ilaa fiidnimadii xalay ka socoday halkaasi”sida uu sheegey guddoomiyaha maamulka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkaasi uu salka ku hayo muran ka dhashey dhul daaqsimeed, waxaana uu daba socda dagaal sanadkii la soo dhaafay gudihiisa uu halkaasi ku dhexmaray labadan beelood ee wada dega degmadaasi Ceel-Afweyne.

Waxaa soconaya dadaalo lagu joojinayo dagaaladaasi,waxaana ka qeybqadanaya maamulka gobolka kan degmada, culimaa’udiin iyo qeybaha bulshada.

Dagaalkaasi ayaa saameeyey isu socodka iyo nolosha bulshada, waxaana jira barakac farabadan oo ay sameynayaan dadka deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...