Madaxweyne Farmaajo “Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo dagaalka ka socda Xeraale ”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaadan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

Madaxwaynaha oo ka hadlayey tallaabooyinka deg-dega ah ee ay dowladdu qaadayso ayaa yiri “ Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.”

Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayey dagalaaka ka dhacay deeganaadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...