Dood cilmiyeed ku saabsan doorka dhalinyarada oo ka dhacay Degmada Dharkeynley

Date:

Dood cilmyeedkan waxaa soo qabanqaabiyey dhallinyarada G/Benaadir, waxaana soo buux dhaafiyey dhallinyaro aad u fara badan oo ka kala timid afarta Degmo ee Galbeedka Muqdisho ee kala ah Dharkeynley oo ah martigeliyaha kulankan, Wadajir, Kaxda iyo Deyniile.

Dood cilmiyeedkan waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Mudane C/raxmaan Siid cali xuseen, guddoomiyaha dhalinyarada G/Benaadir Mudane C/kaafi Maxamuud Makaraan iyo dhallinyarada heer gobol, guddoomiayayaasha dhallinyarada afarta degmo iyo bahda saxaafadda.

Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay guddmiyaha dhallinyarada Degmada Dharkeynley C/casiis Xuseen Maxamed oo mahadcelin kadib sheegay in dhallinyarada ay tahay awood dhan kastaa loo isticmaali karo, wuxuuna ku muujiyey hab suugaaneed.

Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Benaadir  C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay ku dhacdo dhallinyarada, loona baahanyahay in dhallinyaradu u istaagaan amniga iyo horumarka dalka, sidoo kale wuxuu sheegay dhallinyarada maanta kulankan fadhisa inuu ka imaanayo maslaxaddii dalka lagu hagaajin lahaa, wuxuuna ku dhiirigeliyey iney lagama maarmaan tahay in ay wadashaqeeyaan dhallinyarada iyo hey’adaha amniga.

Guddoomiye Makaraan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhallinyarada iney iska dhaafaan tahriibka ayna ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka heysta maanta.

Guddoomiyaah degmada Dharkeynley Mudane C/raxmaan Siid Cali Xuseen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kulankan, uuna dhallinyarada gacan ka siinayo iney u adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan waxaa kooxo loo sameeyay dhallinyaradii kasoo qeybgashay waxaana la weydiiyey su’aalaad dhallinyarada ku saabsan, waxaana kasoo baxay jawaabo xal u noqon kara dhibaatooyinka dhalinyarada heyta maanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

 Dadaalka diblomaasiyadeed ayaa kor u kacay si loo xaqiijiyo xabbad-joojin.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa Masar u yimid wax...

Baqdin ka taagan magaalada Suudaan ee go’doonsan

waxaan Khatarta duullaanka ayaa mugdi gelinaysa halganka nolol maalmeedka...