Shirka Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah uga  furmay  magalada Kismaayo 

Date:

Shirka Golaha Wasiirada ayaa si rasmi ah uga  furmay  magalada Kismaayo, iyadoo magaaldaasi ay ku suganyihiin R/wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay shirka  maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Mudane C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay ahmiyada uu u leeyahay kulanka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha in lagu qabto Kismaayo ayaa sheegay in tani ay muujineyso midnimada iyo in dowladdu diyaar la tahay in shacabka la xisaabtamo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beryihii u dambeeyay waday olole ay shacabka ku kasbaneysay, iyadoo wali aanay ku guuleysan inay dib u soo celiso adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada ee 20-sano ka hor bur buray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...