Raโ€™iisul Wasaare Khayre โ€œBooqashada Kismaayo waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay inuu la xisaabtamo shacabkeeduโ€

Date:

Kismaayo 12, July 2017โ€ฆ..Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre yo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku-xigeenadiisa iyo saraakiil sare sare.

Wafdiga Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa waxaa uga soo horeeyey magaalada Kismaayo wafdi kale oo hoggaaminayo Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka oo kamid yihiin Golaha Wasiirada, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb geli doona Shirka golaha wasiirada oo maalinta bari ah ka dhici doona Kismaayo, kaas oo markii ugu horeysay lagu qabanayo meel ka baxsan Caasimadda.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed madoobe ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dadaalada ay dawladdu wado ee ku aadan hoos u daadajinta Hayโ€™adaha dawladda, wuxuuna tilmaamay in shirka ka dhacaya kismaayo uu Xukuumadda u fududeynayo gudashada waajibaadkeeda iyadoo la dhegaysanayo shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hoggaanka Jubbaland u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.Kismaayo markii ugu horeysay.

โ€œBooqashadani waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka Golaha Xukuumadda taas oo muujinaysa sida ay nooga goโ€™an tahay in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyadaโ€ayuu yiri R/Wasaare Khayre

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah ay siinayso in xukunku uu gaaro meelaha ka durugsan caasimaha, isla mar ahaantaana xiligan la joogo waqtigii wadajir loo wajihi lahaa ka shaqeynta danta guud. dawladduna ay tahay shaqaale ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Raโ€™iisul Wasaaraha ee ka kooban dhammaan golaha Wasiirada ayaa inta ay joogaan kismaayo waxay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha ay shaqo wadaagta yihiin iyo hoggaanka Jubbaland,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...