Rakibaada Qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo bilaabatay

Date:

Waxaa la bilaabay rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya sida ay sheegeen masuuliyiinta Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada.

Maxamed C/llaahi Oomaar Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  ayaa sheegay inay bilaabatay rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay Qalabkaan inuu yahay mid Casri ah, kaasi oo fududaynaya in dowladda Soomaaliya ay la soo wareegto maamulka Hawadeeda.

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysan doonto mudo badan ka dib in Hawada Dalka laga maamulo caasimadda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...