Xildhibaannada golaha shacabka oo loo qeybiyey miisaaniyadda dowladda

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta horgeeyay Barlamaanka miisaaniyadda dowladda ku shaqeyneyso lixda bilood ee soo socota.

Miisaaniyadda lixda bilood ee ay ku shaqeyneysay dowladda ayaa ku ekeyd bishii la soo dhaafay ee June.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hor akhriyay Xildhibaannada Golaha shacabka miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota, sidoo kale waxaa uu hor-geeyay xisaab xirkii miisaaniyadda ee sanadihii 2015 iyo 2016.

Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka ayaa soo akhrisanaya  muddo 48 saacadood  miisaaniyadda loo qeybiyey, iyadoo dib la isugu soo noqon doono 15-ka bisha oo ku beegan maalinta sabtida.

Baarlamaanka ayaa horay ugu celiyay Xukuumadda miisaaniyad sanaddeedkii ay soo gudbisay, waxaana horay u ansixiyeen miisaaniyad KMG oo aheyd saddex bilood ahaa.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...