Raβiisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kaΒ duulaya qorshaha Xukumadda ee ah in ay ku shaqayso Β rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayaaΒ qaar ka mid ah Hoteeladda Muqdisho kula caweeyey dad shacabka Soomaaliyeed Β si uu u ogaado Β baahida ay qabaan, talooyinka iyo Tabashooyinka ay Β u hayaan Dowladda ee ay doonayaan in wax laga qabto.
Raβiisul Wasaare Khayre ayaa Β shacabkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey Β Β dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo Β waxyaabihii muhiimka ah ee ay Β doonayaan in Β si dhaqso ah wax looga qabto.
Mudane Xasan Cali Β Khayre Β Raβiisul Wasaaraha dalka aya suβallaha uguΒ jawabiyey Β Β dadka Shacabka ah, iyagoo waydinayey Β suβaallo la xariira goβanada ay Xukumadda horay u qaadatay iyoΒ arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi.
Qaar ka mid ah dadkii la kulmay Raβiisul wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin la kulanka Raβiisul Wasaaraha Soomaaliya, ayna ku dhiiri gelinayaan ka warqabka xogta bulshada, iyagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay sida Raβiisul Wasaarayaasha caalamka u shaqeeyaan.
Raβiisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre Β ayaa door biday in uu dhex galo bulshada Soomaaliyeed intii uu fadhin lahaa xafiiskisa Β si uu ogaado baahida iyo Β in uu dhageysto talooyinka wanaagsan ee ku jira shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulankan uu qeyb ka ahaa arrintaasi.
