Kooxda Al-shabaab ayaa Dad shacab ah ku xirxiray deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud kuwaasi oo ku qasbaya in laga bixiyo lacago madax furasho ah.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay bilaabeen inay dadka xabsiyo dhigaan isla markaana ay waydiisteen lacago baad ah, isagoo intaa ku daray inay soo gaartay cabashada ay qabaan ehelada dadka ay xabsiyada dhigeen.argagixisada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa xusay in sidoo kale ganacsatada deegaanno ka mid ah Gobolka Galgaduud ay Maleeshiyaadku ku amreen inay hub iibiyaan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka hadlay saamaynta ay reebtay lacagaha la diiday ee Shilin Soomaaliga, taa soo saamayn ku yeelatay bulshada ku nool gobollada dhexe ee dalka, isagoo ka dalbaday ganacsatada ugu baaqay inay wax ka qabtaan caqabadaha ay keeneen lacagaha la diiday.