Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo qeyb galay shirka hoggaamiyeyaasha Midowga Africa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Ajendaha ugu weyn Shirka waxa uu ahaa in la maalgeliyo dhalinyarada ku nool qaaradda afirka si ay u noqdaan dhalinyaro wax soo saar leh, ujeedkuna yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah in ay ka faaiideystaan dhalinyarada shaqo laโaantu hayso, Sidoo kale waxaa shirka warbixin ku aadan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa midowga afrika looga dhegeystay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.
Waxana intii uu Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ku sugnaa Addis Ababa uu la kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina oo kala hadlay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo laโaantu haysado loo abuuro fursado shaqo. Isla markaana ay ka faaiideystaan barnaamijyada horumarinta ee Bangigu sameeyo, sida barmaaijka โEnable Youthโ oo ka shaqeeya 8-wadan oo kamid ah qaaradda Africa, wuxuna soo dhaweeyey Madaxweynaha Bangiga horumarinta Africa sida wanaagsan ee isla xisaabtanku ku jiro ee ay u shaqeyso dawladda Soomaaliya.
Dhanka kale, Wafdiga Raโiisul Wasaaraha ayaa intii ay ku sugnaayeen Addis Ababa waxay kulamo la qaateen madaxdii Shirka ka soo qeyb gashay, gaar ahaan Raโiisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia oo dhamaantood ay isla soo qaadeen fulinta qodobadii horey loogu heshiiyey . Waxana iyadoo la fulinayo qodobadaas ay dawladda Itoobiya kusoo wareejineysaa dawladda Soomaaliya 120 maxaabiis Soomaali ah oo waddankaas ugu xiran dambiyo kala duwan.
Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxdii shirka ka qeyb gashay waxana ay dhammaatood ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda iyo Soomaaliya, iyadoo dalalka qaar ay isla soo qaadeen maxaabiis ku xiran dalalkooda sidii dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya.
DHAMMAAD
