Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya oo Ka Hadlay Arrimaha Shilinka Soomaaliga Ee Ka Taagan Gobollada Dhexe ee Dalka

Date:

Wareysi uu siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayuu uga hadlay xiisadaha ka aloosan gobollada dhexe ee ku aadan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

“cabashooyinka aan hada maqleyno waa in lacago cusub oo lasoo daabacay ay dadku ka biyo diidsan yihiin anaga lafteenu waa ka biyo diidsannahay waxa aan u sheegeyno dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa soo daabacay lacagtan waa iney ka waantoobaan ficiladan oo shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo waana nasiib daro talaabooyinka noocaan ah”ayuu yiri Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daabacaada lacagahan oo sharci darada ah ay ka mid tahay dambi la galo kuwooda ugu waaweyn waayo kuwa ku kacaya waxey dhibaateeynayaan malaayiin shacab Soomaaliyeed islamarkaana xukunnada ka dhalan karta ay dil ka mid tahay.

Wareysiga waxa uu sidoo kale Wasiirka Maalliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle kaga hadlay qorshaha Wasaaradda Maalliyadda ee ku aadan shilinka Soomaaliga iyo in ay waajib tahay in dalka uu yeesho lacag cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...