Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo la Abaal Mariyay

Date:

Wasaaradda Warfaafinta ayaa maanta Abaal marisay qaar ka mid ah Howlwadeenada Wasaaradda kuwaas oo ku mutaystay Shaqo wanaag sida ay sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda.

C/raxiin Ciise Cadow oo ah Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ayaa sheegay in 7-ka mid ah Howlwadeenada Wasaarada lagu Abaal mariyay Shaqadooda aad u wanaagsan darteen.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Shaqaalahaan ay Abaal marinta ku mutaysteen ilaalinta Waqtiga ay shaqada soo galaan iyo waqtiga ay shaqada laga baxo.

SHAQAALAHA LA ABAAL MARIYAY.

  1. Ismaaciil Muqtaar Cumar (Orange)
  2. Axmed C/qaadir Axmed (Qays)
  3. C/risaaq Maxamed Faarax (Shiine)
  4. C/najiib Xasan Cigaal.
  5. C/salaan Cali Mataan.
  6. Xafso Axmed Caamir.
  7. Aamina Shariif C/qaadir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala ayaa sheegay in shaqaalahaan lagu soo xushay hab saxan oo cadaalad ah oo ay ka soo wada shaqeeyeen Guddiyada Anshaxa iyo Goob shaqo.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee wasaaradda ayaa sheegay in marka laga soo tago Shaqaalaha la Abaal mariyay ay jiraan kuwa kale oo mutaystay Ganaax ka dib markii ay ka soo bixi waayeen shaqooyinkooda.

“Waxaa jira Shaqaalo badan oo u qalma in la Abaal mariyo laakiin dadka oo dhan hal mar Abaal marin lama wada siin karo, Arintaan waxay mudan tahay ku dayasho, waxaana loo baahanyahay shaqaalaha oo dhan inay sameeyaan shaqooyin wanaagsan si ay u helaan Abaal marin.” Ayuu yiri Mudane C/rixmaan Sheekh Yuusuf Cadaala.

Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahayd masuuliyiinta ka soo qaybgalay munaasabaddan ayaa sheegtay inay muhiim tahay inay isku xirnaadaan Dhamaan Bahda Warbaahinta ee Wasaaradda oo markasta la xasuusto xubnihii muhiimka ahaa ee u geeriyooday iyagoo haaya shaqada Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ka hadashay Munaasabadda Sheegtay in shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay shaqeeyaan waqti badan xaqna u leeyihiin inay helaan Xuquuqo dheeraad ah.

Ugu Danbayntii Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay inay sii socon doonto Abaal marintaan oo la qabanayo Saddexdii Bilba Mar, isla markaan la siindoono Qof kasta oo qabta shaqo wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa kula dar daarmay dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda, maadaama Warbaahintu si wayn oga qaybqaadato hormarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...