Madaxweynaha oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan 40 guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaadatay Jabuuti u diray dowladda iyo shacabka reer Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxada la qeybsanayaan walaalaha Jabuuti oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee markii xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ee walaalaheena ah, oo u dabaal degaya maalintan qiimaha badan oo ah markii Xoriyadda ka qaateen gumeystihii Faransiiska”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhambaal u diray dhiggiisa Jabuuti, isagoo ugu hambalyeeyay 40-guurada ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jabuuti.

27 June sanadkii 1977 ayay aheyd markii Jabuuti ay xornimada ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska, waxaana Soomaaliya ka mid aheyd wadamada ka qeyb qaatay, sidii Jabuuti ay u heli laheyd xornimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...