Sacuudiga oo fashiliyay weerar lala damacsanaa Masjidka Barakeysan ee Makka

Date:

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay in ay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Makka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada isku gadaameen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .

Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha .

Malaayiin qof oo muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa isgu soo uruuray magaalada Makka dhamaadka bisha Ramadan si ay u cumreystaan.

Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.

Sacuudi Carabiya ayaa sanooyiinkii u danbeeyay waxa soo maray weeraro is xig-xiga oo ay dad ku dhinteen , qaar badan oo ka mid ah weeraradan waxaa sheegtaay kooxda isku magacaawda Dowlada Islaamka.

Weerarada ayaa waxa inta badan lala bartilmaameedsaday dadka Shiicada ah ee looga tirda badan yahay dalkaasi iyo ciidammada ammaanka.

Bishii July 2016,afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina.

XIGASHO:- BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa...