Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan adeegyo lamid ah kuwa ay dadkooda helaan

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kamid ah madaxda ka qeybgalaysa Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka labada malamood ka socda Kampala ayaa yiri “Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

“Waxaan ugu baaqayaa dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u ogolaadaan qaxootiga in ay is hormariyaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Uganda ayaa haatan martigelisa qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika oo tiro ahaan ku dhaw hal milyan. Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalkan ku jira ayaa iyagana lagu qiyaasaa in ay ku dhawyihiin 50 kun, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo qaxooti oo ku yaalla Galbeedka dalkan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo shalay booqday xerada qaxootiga ee Nakivale, si ay ugu kuur galaan nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeradaas.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...