tartamayaasha Shibis oo ku guuleystay Kaalinta saddexaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii todobo iyo labaatanaad oo ah kaalinta saddexaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Shibis VS Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 Tartameyaasha labada degmo ee Shibis VS Kaaraan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Shibis

Tartameyaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’al, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxay noqoneysaa afar (4) dhibcood.

Kaaraan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay kaalinta saddexaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo waxaa kulanka ugu dambeeyay ku tartami doono tartamayaasha Warta Nabadda iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...