7 Qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Saldhigga Boliiska Waabari

Date:

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii qarax ismiidaamin ahaa lagu qaaday saldhiga Booliska degmada Waabari oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukarama.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari nooca Surf loo yaqaano oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay iridka hore ee saldhiga Waabari.

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in qaraxa dadka ku dhaawacmay uu ku jiro Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Aw Libaax, kaasoo dhaawiciisa la sheegayo inuu culus yahay.

Qaraxa ayaa saameeyay dhismayaasha ka ag dhow Saldhiga oo ku yaallay laamiga Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana dadka ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay ay u badnaayeen dad marayay wadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhaca.

Qaraxyadan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada ammaanka ay adkeeyeen amniga Caasimada, iyadoo la xiray waddooyin mara xaafadaha, iyadoo wadada kaliya ee furan ay tahay Laamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...