Ururka Gargaar iyo Gurmad oo taageero u raadinaya Muwaadin xanuunsan

Date:

Ururka Gargaar iyo Gurmad oo ah urur maxali ah ayaa waxa ay taageero u raadinayaan muwaadin Soomaaliyeed oo xaaladdiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay, kaasi oo muddo sagaal sano ah la xanuunsanaa firir ka galay dhanka dambe ee dhabarkiisa, gaar ahaan xangulaha, taasi oo sababtay in uu saxarada iyo kaadida ceshan waayo.

Wiilkan xanuunsan oo lagu magacaabo Xalane Bide Aadan ayaa sagaal sano kahor waxaa soo gaaray dhaawac dhanka dhabarka ah kaddib markii uu firir ka galay, waxaana uu ka soo jeedaa qoys tabaaleysan oo aan awoodin inay u fidiyaan adeeg caafimaad.

Ururka Gargaar iyo Gurmad ayaa dadaal u galay sidii adeeg caafimaad oo dibadda ah loogu raadin lahaa wiilka Soomaaliyeed ee la xanuunsan firir dhabarka ka galay, iyagoo geeyay ibistaalka Raccep Teyyip Ordogan ee Ex-difeer, waxaana dhaqaatiirku isbitaalka ay u xaqiijiyeen in xaaladiisa caafimaad aan gudaha dalka waxba looga qaban karin.

Guddoomiyaha Ururka Gargaar iyo Gurmad Cabdiqaadir Abtidoon Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay ka damqadeen xanuunka haya wiilkan, maadaama uusan kaadida iyo saxarada ceshan karin.

“Dhaqaatiirta ayaa noo caddeeyay in gudaha dalka aan wax looga qaban karin, loona baahanyahay in uu helo kaalmo caafimaad oo dibadda ah, waxaana xiriiro la sameeyay dhaqaatiir joogto dalalka India, Spain iyo Turkiga kuwasi oo ii sheegay inay wax ka qaban karaan, balse loo baahanyahay in lagu caawiyo sidii mid ka mid ah dalalkaasi loo geyn lahaa dhibane Xalane Bide Aadan” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan ka codsaneynaa in Ummadda Soomaaliyeed ay nagu caawiyaan sidii wiilkan Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg caafimaad oo dibadd ah”.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...