Ururka Gargaar iyo Gurmad oo taageero u raadinaya Muwaadin xanuunsan

Date:

Ururka Gargaar iyo Gurmad oo ah urur maxali ah ayaa waxa ay taageero u raadinayaan muwaadin Soomaaliyeed oo xaaladdiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay, kaasi oo muddo sagaal sano ah la xanuunsanaa firir ka galay dhanka dambe ee dhabarkiisa, gaar ahaan xangulaha, taasi oo sababtay in uu saxarada iyo kaadida ceshan waayo.

Wiilkan xanuunsan oo lagu magacaabo Xalane Bide Aadan ayaa sagaal sano kahor waxaa soo gaaray dhaawac dhanka dhabarka ah kaddib markii uu firir ka galay, waxaana uu ka soo jeedaa qoys tabaaleysan oo aan awoodin inay u fidiyaan adeeg caafimaad.

Ururka Gargaar iyo Gurmad ayaa dadaal u galay sidii adeeg caafimaad oo dibadda ah loogu raadin lahaa wiilka Soomaaliyeed ee la xanuunsan firir dhabarka ka galay, iyagoo geeyay ibistaalka Raccep Teyyip Ordogan ee Ex-difeer, waxaana dhaqaatiirku isbitaalka ay u xaqiijiyeen in xaaladiisa caafimaad aan gudaha dalka waxba looga qaban karin.

Guddoomiyaha Ururka Gargaar iyo Gurmad Cabdiqaadir Abtidoon Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay ka damqadeen xanuunka haya wiilkan, maadaama uusan kaadida iyo saxarada ceshan karin.

“Dhaqaatiirta ayaa noo caddeeyay in gudaha dalka aan wax looga qaban karin, loona baahanyahay in uu helo kaalmo caafimaad oo dibadda ah, waxaana xiriiro la sameeyay dhaqaatiir joogto dalalka India, Spain iyo Turkiga kuwasi oo ii sheegay inay wax ka qaban karaan, balse loo baahanyahay in lagu caawiyo sidii mid ka mid ah dalalkaasi loo geyn lahaa dhibane Xalane Bide Aadan” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan ka codsaneynaa in Ummadda Soomaaliyeed ay nagu caawiyaan sidii wiilkan Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg caafimaad oo dibadd ah”.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hay’adda GIST

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud...

Xamarjajab,Waabari iyo Cabdicasii oo saakay ay kasocoto diiwaangelinta codbixiyaasha

Degmooyinka Xamarjajab,waabari iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir waxaa saakay...

Wasiirka Maaliyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Washington

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan...