Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Date:

Diblumaasiyiin Soomaali iyo boqolaal arday Soomaali ah oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 40 guuradii kasoo wareegtay markii ay Jabuuti xurnimada qaadatay ayaa lagu qabtay Magaalada khartoum.

Munaasabadan oo aheyd mid lagu Xusayay 40 guuradii kasoo wareegatay markii ay xurnimada qaadatay Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ka dhacday Caasimadda Khartoum ee Dalka Sudaan.

Waxaane ka soo qayb galay Munaasabada Madax ka socotay Safaaradda Jabuuti, Diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudaan, Jaaliyadda,Salaadiin,Boqolaal ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Sudaan iyo Qaar ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee Tababrka u jooga Wadanka Sudaan.

Ugu horeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Danjiraha Safaaradda Jamuuriyada Jabuuti ufadhiya Dalka Sudaan Danjire Axmed Cali Barre asigoone u mahadcaliyay dhamaan intii ka soo qayb gashay munaasabada xuska 40 guuradii kasoo wareegtay markii ay xurnimadii qaateen.

Dhanka kale Abuukar Maxamed Cabdi “Boston” oo ah Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudaan ayaa Hambalyo u diray dhamaan shacabka Jamuuriyada Jabuuti.

intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay heeso iyo Dhaqanka Qoomiyadaha Jamuuriyada Jabuuti..

Yusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...