Ra’iisul wasaare Kheyre yo wefdi la socda oo tagay Addis Ababa

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka IGAD ayaa timid, markii Madaxweynaha uu ka cudur daartay inuu shirka ka qeyb galo, sababo ku aadan howlo shaqo oo u yaala.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...