Habeenkii 15-aad wareega labaad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Warta-nabadda oo gobolka Benaadir ah.
Labada degmo waxaa la weydiiyey qeybta hore afar suโaal mid walba oo wadarta guud ka dhigeysa siddeed suโaal, kaddib ayaa la soo gudbiyey warbixinnaddii Taariikhda labada degmo ka hadleysay.
Natiijada Baladweyne
Degmada Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaa la weydiiyey toddoba suโaal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal suโaal lix waa ay iska qaldeen, sidaas ayeey ku heleen laba dhibcood ( 2 dhibcood).
Natiijada Warta-nabadda
Degmada Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Benaadir, waxaa iyaduna la weydiiyey toddoba suโaal waxa ay ka jawaabbeen laba suโaal shan waa ay qaldeen, hal suโaal ayeey si ka faaโideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna heleen Lix dhibcood ( 6 dhibcood), wareegga saddexaad ee tartanka waxaa u gudubtay degmada Warta-nabadda.
Habeen dambe waxaa ku tartami doona wareegga saddexaad degmooyinka Shangaani oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug.
